Qaar kamid ah Xildhibaanada dalka Uganda oo dalbaday in baaritaan lagu sameeyo Ciidamadii lagu laayay Buula-mareer

Xildhibaano katirsan baarlamaanka dalka Uganda oo dalbaday in baaritaan lagu sameyo ciidamadii dhawaan lagu dilay Soomaaliya, Xubno katirsan golaha shacabka Uganda ayaa dalbaday in baaritaan buuxa lagu sameeyo askarta Yugaandheyska ee isbuucan lagu dilay gudaha dalka Soomaaliya.

Aroor hore Axadii aynu kasoo gudubnay ayey aheyd markii Xarakada Al-shabaab ay weerar kuqaaden saldhig ay ciidamada midowga Africa ee amisom ayku leeyihiin deegaanka buulamareer ee gobolka shabellaha hoose, halkaas oo Xogag katirsan Shabab ay ku weerareen labo gaari oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa taas oo sababtay in ay kugeeriyoodaan ciidamo katirsan midowga Africa ee amisom gaar ahaan askar ka u dhalatay dowladda Ugandha.

Bayaan kasoo baxay dowlada Uganda ayaa lagu sheegay in weerar kaas lagu dilay afar askari balse madax weynaha dalka Uganda yuweri museveni warqad kasoo baxday ayuu kusheegay in sided askari lagu dilay weerarkaasi lagu qaaday saldhig ay ciidamada Uganda kulahaayeen deegaanka buula mareer.

Arbacadii aynu kasoo gudubnay wasiirka difaaca dalka Uganda Kilak County iyo xildhibaan katirsan baarlamaanka dalkaasi oo lagu magacaabo Gilbert Olanya ayaa dalbaday in jawab laga bixiyo sabaha kadambeysa in ciidamo kasocda dalka Uganda lagu dilay weerar lagu qaaday saldhigii ayku lahaaayeen deegaanka Buula Mareer ee gobalka Shabeellaha hoose.

Olanya ayaa carabaabay in 10 askari ayku waayeen noloshooda weerarkaas halka 14 kale ayku dhaawac meen “Waxaan ubaahanahay in aan ogaano magacyada askartii ladilay iyo kuwa ku dhaawacmay weerarkaas halkaas oo uu ka dhax sheegay xarunta baarlamaanka dalkaasi.

Talaadadii aynu kasoo gudubnay afahayeenka ciidanka dalkaasi , Brig. Richard Karemire oo kula hadlay wariyayaasha  xarunta mala tariga ee Entebbe ayaa sheegay in kaliyah lasoo gaarsiiyay afar askartii kugeeriyoo tay weerarkaas qaaarka kale ee haray meedad kaasi goordhow lakeeni doono.

Wasiirka difaaca dalka Uganda ayaa sheegay in sideedaas askari ee lagu dilay weerarkaas ay awood ulahaayeen in ay jabiyaan in kabadan 130 dagaal yahano katirsan Al-Qaacida, balse Al-shabaab  ay ku dhuf teen afaafka hore ee saldhiga gawaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.

Afhayeenka Ciidamada Al Shabaab Sheekh Cabdi Caziiz Abuu Muscab oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada Al-shabaab ee weerarka qaaday ay dileen in kabadan 59 askari oo katirsanaa jiray ciidamada Amisom gaar ahaan askarta ka socota dowladda Ugandha ee ka howlgala Soomaaliya.

Sheekh Cabdi Caziiz Abuu Muscab ayaa sido kale xaqiijiyay iney geeriyoodeen 14 katirsanaa Al-shabaab oo weerarka xoogan ku galay xerada ciidamada Amisom ay ku leeyihiin degmada Buula Mareer.