Norway: Nin Soomaali ah Oo Xabsi Sagaal Sano lagu Xukumay,

Maxkamda Magaalada Hamar ee Wadanka Norway ayaa Sagaal sano Xabsi ah ku Xukuntay Wiil Soomaaliyeed oo lagu helay Inuu fal danbiyeed isku day dil ah kula kacay gabar soomaali ah oo uu xiriir ka dhaxeeyay.

Maxkamada  dambiyada ee Hamar ayaa ninkan horey ugu xukuntay Xabsi Mudo Sagaal Sano ah, hasa yeeshee wuxuu racfaan ka qaatay xukunka hore ee maxkamada darajada Koowaad. Mar kale ayay Shalay xeer-ilaaliyaaasha maxkamada darajada labaad ee Hamar ninkan ku soo oogeen fal danbiyeed isku day dil ah kaasoo uu kula kacay gabar in mudo ah  xiriir kala dhaxeeyay,

Ninkan ayaa Haweenaydan dhaawac culus ka  gaarsiiyay  Wajiga iyo qeybaha kore ee jirkeeda. Waxaana in mudo ah lagu daweeynayay isbitaalka,

Wiilkan iyo Gabadhan ayaa la sheegay in ay Mudo dheer Sheeko wadaag ahaayeen hase ahaate qilaaf soo kala dhax galay uu sababay gacan ka hadal, lamana ogo Sababta rasmiga ah ee salka ku hayo  qilaafkooda,