Xaakim Mareykan ah oo joojiyay dib usoo celinta Soomaali ku xiran Gobolka Texis

Xaakim Mareykan ah ayaa joojiyay dib Usoo celinta Soomaali ku xiran Gobolka Texas ee Dalka Mareykanka.

Tiro ahaan dadka la doonayay in lasoo celiyo ayaa gaaraya 54 Qof.
Sidoo kale dadka la doonayay in lasoo celiyo waxaa kamid ahaa dadyow kale oo u dhashay Dalalka Congo,Gambia iyo Koofurta Suudaan waxaa laga qab qabtay Gobolo kala duwan oo Mareykanka ah.

Sida qorshaha uu ahaa waxaana la doonayay in bishan March laga soo dejiyo dalka Koofurta Suudaan,kadibna Soomaliya la keeno.
Hay’ado u dooda xuquuqda aadanaha iyo qareenno Soomaali ah ayaa ku guuleystay in la is hor istaago dib usoo celinta Soomalida ku xiran Mareykanka. Sida uu sheegay Maxamuud Muuse Cadde oo ka mid ah Qareennada u doodayay dadkan.

Waxa uu sheegay in Garsooraha Maxkadda Gobolka Texas uu joojiyay dib u celinta dadkaas.
Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay in la baajiyay dib usoo celinta 92 Qof oo Soomaali ah oo iyana ku xiran Gobollada Miami iyo Florida.

Waxa uu sheegay in  dadkaas lagu guuleystay baajinta dib usoo celintooda,waxaana lagu guuleystay in loo xareeyo dacwad loogu raadinayo sharci rasmi ah oo ay ku degganaadaan Mareykanka.