Mareykanka oo Soomaaliya usoo tarxiilaya dad dambiyo ka galay dalkaas

Dowladda Mareykanka ayaa waxa ay qorsheyneysaa in Soomaaliya ay dib ugu soo celiso dad Soomaaliyeed oo ay sheegtay in dambiyo ka galeen dalkeeda, sidoo kalena ay jiraan qaar kale oo wadanka sharci daro ku jooga.

Qaar ka mid ah ehelada dadka ay Ciidanka Mareykanka xireen oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa ay sheegeen in Mareykanka dadkan Soomaaliyeed uu ku heysto dambiyo yar yar oo ay galeen.

Dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku jira xabsiyada dalka Maraykanka ayaa dhowaan loo geystey jirdil iyo falal handadaad la xiriira, sida ay sheegeen qaar ka tirsan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi.

Soomaalidan dhibaatada loo geystay oo markii horeba si sharci daro ah ku galay Mareykanka, lana qorsheynayo in lagu soo celiyo Soomaaliya ayaa waxa ay ku xirn yihiin labo xabsi oo mid ka mid ah lagu magacaabo Galdeys, kuwaasi oo ku yaalla Magaalada Florida.

Tan iyo intii uu Aqalka Cad fariistay Madaxweyne Trump, Soomaali badan ayaa lagu soo celiyay Soomaaliya, arrintaas oo ah xaajo ugub ah, islamarkaasna aanan horay uga dhicin Mareykanka.