Ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo xabsiyada kasii deysay 1,000 Qof oo Maxaabiis ah

Maamulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa maanta xabsiga dhexe ee magaalada Jigjiga ka sii daayay in ka badan 1,500 maxaabiis, kuwaasoo sanado badan ku xirnaa dalkaas.

Maxaabiistan la sii daayay ayaa waxaa ku jira kuwo u xirnaa arrimo siyaasadeed, waxaana ku jira xubno ka mid ah Jabhadda ONLF.

Arrintan ayaa ku soo aaday, iyadoo dhowaan dowladda Itoobiya ay xabsiga Addis Ababa ka sii deysay boqolaal maxaabiis oo u xirnaa arrimo siyaasadeed.

Lama oga in sii deynta maxaabiista ku xirnaa dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya inay daba socoto wada hadaladii dhowaan magaalada Nairobi ku dhex maray Itoobiya iyo ONLF.

Itoobiya ayaa waxaa sanadihii la soo dhaafay ka jiray qalalaase siyaasadeed iyo dibad baxyo rabshado watay oo ka dhacayay Gobolka Oromada iyo Amxaarada, kuwaasoo ka cabanayay cadaalad darro, kuna dalbanayay is bedel siyaasadeed iyo mid dhaqaale.

Todobaadkii hore Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkiisa, iyadoo maalin kaddib is casilaadiisa dalka lagu soo rogay xaalad degdeg ah.