Home Xulashada Norway: Hooyo Soomaaliyeed Oo Si Qasab ah lagu soo Celin doono.
Hooyadan Soomaaliyeed oo lagu Magacaabo fardowso Yuusuf Muuse ayaa 12 kii Sano ee la soo dhaafay ku noolayd dalka Norway. Halkaas oo ay ku dhashay Sadex caruur ah midka ugu Weyn uu yahay 9 Sano jir,
Fardowso oo u Waramaysay telefeshinka dalka Norway ee Tv2 ayaa sheegtay in dhawaan gurigeeda ay soo galeen Askar ka socotay hay’adda Qaxootiga (UDI) ayna ku wargeliyeen in dalka laga musaafurin doono sida ugu dhaqsiyaha badan halka sadexda Caruur ah lagu wareejin doono Aabahood maadama Iyadu aysan Sharci daganaansho ah ku lahayn dalka Norway,
Sidoo kale Fardowso waxay sheegtay in Caruurteedu haystaan dhalashada dalka Norway Isla markaana aysan marnaba aqbali doonin in laga reebto Ilmaheeda,
Arintan ayaa Walaac iyo walbahaar ku abuurtay hooyo Fardowso oo markeedii horeba ka soo carartay dhibaatada ka jirta Soomaaliya. Waxayna sheegtay ay soo food saartay rajo la’aan nololeed tan iyo markii ay timid dalkan,
Hay’adda Socdaalka Dalka Norway (UDI) ayaan ka hadlin kiiska hooyadan iyo caruurteeda. Waxaana muuqata In UDI-du Mudooyinkii u danbeeysay ay dardargelisay tarxiilka dadka loo diido sharciyada magangalyada. Arintan ayaa cabsi badan ku abuurtay Qoysas badan oo in mudo ah wada noolaa,
Goobsan Media