Ciidamo ka wada tirsan Kenya oo dagaalamay iyo Al-shabaab oo sabab u ah

Wararka ka imaanaya magaaladda mandheera ee dhulka soomaali deegaanka magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya ayaa ku waramaya in ciidamo ka wada tirsan kenya ay is rasaaseyn khasaare geystay ku dhax martay xuduuda soomaaliya iyo dalka kenya ay wadaagaan.

2 katirsan asakarta Kenya ayaa lagu toogtay gudaha deegaanka mandheera ayadoona shankale la dhaawacay, kadib markii ciidamo katirsan booliska Kenya ay rasaas ku fureen, kuwaas oo sheegay in ay moodayeen xarakada Al-Shabaab, oo ka dagaalanta qaybo farabadan oo kamid ah gudaha dalkaasi Kenya.

Madaxda booliska Kenya ayaa xaqiijiyay dhimashada 2 asakari iyo dhaawaca 5 kale, waxa ayna sidookale booliska xaqiijiyeen in dhacdadan ay ka dhacaday gudaha deegaanka mandheera gaar ahaan meel u dhow xuduuda Soomaaliya oo lagu magacaabo “Sheikh Barrow”
Dhacdadan ayaana ahayn tii ugu horeysay oo nuuceeda ah oo ka dhacday gudaha dalka Kenya, qaar ka tirsan askarta Kenya, ayaa si kam ah isku laayay intii ay socotay weerarkii xoogaga Al-shabaab ay ku qaadeen September 2013 xaruntii ugu weyneyd ee ganacsiga laguna magaWestgate Mall.
Ciidamada Kenya ee is maan dhaafka isku laayay ayaa la sheegayaa in ay ka badan 60 qof.