Qoys Kenyan ah oo lacag Madax furasho ah u Balan qaaday Al-Shabaab

Wargeyska The Nairobian ayaa daabacay in qoys-ka Isaac Mbalewa oo ah Sarkaal Kenyaan ah, kaas oo Al shabaab ku qabteen dagaalkii Ceel Cadde ee gobolka Gedo ay u ballan qaadeen Al shabaab Lacag Madax furasho ah, haddii ay Wiilkooda u soo gacan galiyaan.

Francis Otsiaalo iyo Josephine Otsialo oo ah Waalidiinta qoyska ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin bixinta hantidooda hadii ay helayaan Wiilkooda, oo 51 jir ah ay dhawaqiisa ugu dambeysay 16-kii bishii January ee 2016-kii xiligaasi oo Codkiisa ay ka maqleen Warbaahinta Al Shabaab.

Sidoo kale qoyska Isaac Mbalewa ayaa Dowladda Kenya ka dalbaday in ay wadahadalo la gasho Al Shabaab, si loo daayo wiilkooda oo gacanta ugu jira Maleeshiyaadka Al-shabaab.

Maleeshiyaadka Al Shabaab ayaa 15 January ee 2016-kii waxa ay weerar xoogan ku qaadeen fariisimo Ciidamada Militeriga Kenya ay ku lahaayeen deegaanka Ceel Cadde ee Gobolka Gedo.