Dowladda Mareykanka ayaa xayiraadda dhinaca socdaalka ah ka qaadday 11 dal oo Soomaliya ay ku jirto.
Warbixin ay soo saartay Wasaaradda amniga Gudaha Mareykanka ayaa lagu sheegay in xayiraadda laga qaaday dalalkaas,laakiin dadka 11-kaasi dal ay wajahayaan baaritaan adag ka hor inta aysan gudaha u gelin Mareykanka.
Wasiirka amniga gudaha Mareykanka Kirstjen Nielsen ayaa sheegtay tan iyo markii Mareykanka uu xayiraadda socdaalka ku soo rogay 11ka dal ee Muslimiinta u badan hoos ay u dhaceyn dadka ka soo jeeda dalalkaas ee galayay Mareykanka.
Dalalka Mareykanka uu Xariyaaradda dhanka Socdaalka uu saaray dhawaan waxaa kamid ah Masar,Iran, Iraq, Libya, Mali, North Korea, Somalia, South Sudan, Sudan, Syria iyo Yemen.
Sidoo kale wasiirka Amniga gudaha Dowladda Mareykanka waxa ay sheegtay in ujeedka laga lahaa arintaas ay aheyd in Mareykanka laga ilaaliyo argagixisada,dambiyada iyo qiyaanada.
Warbixin la daabacay ayaa muujinaysa in Saddexdii Sano ee la soo dhaafay dadka ka socda 11kan dal ee galayay Mareykanka in ay gaareen 40% marka loo eego xayiraaddii Trump ee Sanadkii hore taas oo hoos u dhigtay dadka ka socda dalalkaas ee geleyay Mareykanka.











