Al-shabaab oo la wareegay Saldhig Boolis oo ku yaala dalka Kenya iyo Calankooda oo….

Ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ayaa la wareegay saldhiga ciidamada booliska dalka Kenya ee Ishkani waxaana halkaasi ay ka taageen calanka madoow ee al shabaab waxaana ay heysteen muddo saacado ah ka hor inta aysan si iskooda ah uga bixin.

Waxaana weerarkan uu ku soo beegmayaa wax ka yar todobaad kadib markii ciidamada booliska ay baneeyeen saldhiga jaziirada Lamu Ee ishkani iyagoo ka baqanaya weeraro kaga yimaada dagaalyahanada Al shabaab.

Sidoo kale saraakiil ka tirsan  booliska kenya waxa ay sheegeen in dagaalyahanada al shabaab ay ku dhuumaaleysanayaan xadka Somaliya iyo Kenya ay wadaagaan.
Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay wargeyska the Syandered ee dalka Kenya ayaa waxa uu sheegay in muddo saacado ah ay la wareegeen xaafadda Ishakani ee dhacda jaziirada Lamu waxaana uu xusay in qaar kamid ah dagaalyahaada ay siteen Uniform-ka ciidamada Kenya.

Dhanka kale shacabka Kenya ee ku nool hareeraha wabiga Tana iyo xildhibaanada ka soo jeeda deegaanka Tana ayaa dalbaday in la hubeeyo si ay ugu biiraan dagaalka dagaalyahanada Xarakada Al shabaab.

Waxaa shacabkan ku nool hareeraha wabiga TANA dowladda Kenya ay ugu baaqeen in loo hubeeyo sida ciidamada booliska.
Ali Guyo iyo Ali Hanshaka oo ka tirsan  baarlamaanka Kenya kana soo jeeda  TANA  ayaa sheegay in aysan ogolaan doonin weeraro ay soo qaadaan al shabaab oo deegaanadaasi ka dhaca waxaana xildhibaanada ay sheegeen in xalka kaliya ee xarakada al shabaab loola dagaalami karo uu yahay in la hubeeyo dadka deegaanka.
Waxaana saraakiishani sidoo kale dowladda Kenya ay ku eedeeyeen in ay ku fashilmatay sugidda amniga dadka deegaanka.