Dowladda Kenya oo sheegtay in ay magdhow bixin doonto haddii dacwada Badda looga guuleysto

Dowladda Kenya ayaa waxa ay sheegtay in ay magdhaw ka bixin doonto hadii dowladda Soomaaliya ay kaga guuleysato dacwadda la xiriirta muran badeedka oo horyaala Maxkamada Caalamiga ah ee ICJ.

Githu Muigai oo ah qareenka dowlada Kenya u doodaya ayaa waxa uu sheegay in bishii August sanadii 2014-kii in dowladda Soomaaliya ay furtay dacwadda la haanshaha  qeybo kamid ah badda Soomaaliya iyadoona baarlamaanka dalkaasi Kenya ay dalbadeen In la horkeeno cadeymo sax ah oo dowladda Kenya ay u baahantay.

Qareenka dowladda Kenya ee u qaabilsan dacawadda muranka dhanka badda ee Soomaaliya kala dhaxeyso ayaa waxa uu sheegay in ay isku kalsoon yihiin isla markaana ay heystaan documentiyo sax ah oo sheegaya  lahaanshiyaha qeybo ka tirsan biyaha dalka Soomaaliya waxaana uu sheegay in si dabiici ah uu u difaaci doono dowlada Kenya.

Sanadii hore dowladda Soomaaliya ay guul ka soo hoysay Dacwadii u dhaxeysay Soomaaliya iyo Kenya waxaa sidoo kale maxkamadda Hegue ee  ICJ  ee dalka Holland ay ogolaatay in la sii wado dacwada badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Kenya ayaa horay u soo bandhigtay qodobada ay ku doodayso, waxayna xoogga saartay in dib loogu noqdo heshiiskii is-afgaradka ahaa ee Kenya iyo Soomaaliya ay kala saxiixdeen 2009-kii.