Waxaa soo shaac baxay warar sheegaya in la xiray 7 qof oo soomaali ah kuwaas oo ku sugnaa gudaha kenya, hadal ka soo baxay Boliska dalkaasi ayaa lagu sheegay inay xireen 7 Qaxooti Somali ah oo lagu eedeynayo inay ahaayeen Mukhalasiin dadka tahriibiya, isla markaana ay Qaxootiga u fududeeyaan inay safar ku tagaan magaalladda Nairobi.
Dadkan ayaa lasoo xiray shalay , kadib, markii ay Boliska sameeyeen Baaritaano lagu beegsanayo Dhaqdhaqaaqa Sharci-darradda ee ka jira Xeradda Dhadhaab.
Xiriiriyaha Gobalka Waqooyi bari Kenya, Maxamed Saalax ayaa u sheegay Warbaahinta in Eedeysanayaasha la qabtay ahaayeen Mukhalasiin Qaxootiga Dukumentiyo ugu samayn jireen magaalladda Nairobi, si ay u dhoofaan dalalka Europe iyo Kanada, waa sida uu hadalka u dhigay. Waxa kale oo uu Eedeysanayaashi ku eedeeyey inay xubno ka tirsan Alshabaab ay gabaad ka siiyeen Xeradda Dhadhaab, waa sida uu hadalka u dhigay, mana uusan soo bandhigin wax caddaymo ah. ilaa iyo hadda ma jirto wax kale oo hadal ah oo kasoo baxay dadkaas la xiray marka laga reebo hadalkan ay boolisku sheegeen.