Denmark: Dacwad Loo Heysto Waalidiin Soomaali ah Oo Maxkamadda Sare gaaray.

Mudooyinkii u danbeeyay waxaa Warbaahinta Wadanka Denmark ay si Aad ah u hadal hayeen kiiska dacwad la xiriirta Waalidiin Soomaali ah oo lagu soo eedeeyay inay gudeen labo gabdhood oo ay dhaleen,

Kiiska Dacwadan oo hor yaalay maxkamada darajada 3-aad ayaa Aabaha dhalay Labadan gabdhood ku xukuntay sanad iyo bar xabsi ah iyo halka hooyadana lagu xukumay 2 sano iyo Masaafuris,

Waalidiinta dhalay ilmahaas ayaa racfaan ka qaatay go’aankaas ay Maxkamadda soo saartay Waxaana markale kiiska dacwadaas dib u eegis ku samaysay Maxkamadda darajada labaad iyada oo ku xukunkooda ka dhigtay 10 bilood.

Qaareenada u doodayay waalidkan ayaa sheegay in mar Sedaxaad ay kiiska dacwadan u gudbiyeen Maxkamada sare ee dalka Denmark.

Aabaha iyo hooyada dhalay Caruurtan ayaa ku doodaya in aanan la gudin gabdhahan halka Xeer ilaaliya yaashana ay sheegeen in horaantii sanadkii 2015 kii lagu soo guday Afrika Xili ay fasax ku joogeen,