Muwaadinkani Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Ismail M. Abdulle oo 54 jir ahaa ayaa Meydkiisa laga helay Gaari dhexdiisa, iydoona dhac loo geystay ka hor inta aan la dilin, sida ay sheegeen Saraakiisha Booliska Magaalada Chicago ee Dalkaasi Mareykanka.
Abshir Jaamac oo ay Saxiibo ahaayen Marxuumka la dilay ayaa Warbaahinta u sheegay in uu ahaa Qof si Aad ah looga yaqiinay bulshada Soomaalida ee ku ku nool Magaladaasi.
Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in ay wadaan baaritaan ku aadan ciddii ka dambeysay dilkaasi, mana jirto illaa iyo hadda cid ay u soo qabteen falkaasi
Ma’ahan markii ugu horreysay oo Muwaadin Soomaaliyed lagu dilo gudaha Dalkaasi Mareykanka
Goobsan Media