USA: Maxkamada u dhaxeysa Soomaali la Tarxiilay Iyo Hay’ada Socdaalka Oo Dhawaan furmaysa

3da bisha Janaayo ayaa lagu wadaa in go’aan laga gaaro 92 Soomaali ah oo ay dowlada Maraykanka bishan isku dayday inay u tarxiisho Muqdisho, balse diyaaradii siday ay kasoo noqotay dalka Senegal.

Soomaalidan la tarxiilay oo ay ku jiraan in badan oo muddo dheer ku noolaa dalka Maraykanka, kuwaasi oo isugu jira kuwo loo diiday in degenaansho lasiiyo iyo kuwo danbiyo ka galay dalka Maraykanka, sida ay sheegtay hay’ada Maraykanka u qaabilsan tarxiilista ajaanibta ee loo yaqaan ICE [ Immigration and Customs Enforcement ].

Dadkan la tarxiilay 7dii bishan December ayaa diyaarada dulsaarnaa muddo ku dhaw 48 saac, waxaana lagu waday diyaarada siday inay ka degto magaalada Muqdisho, waxayse diyaarada kasoo noqotay magaalada Daka ee dalka Senegal, kadib markii la sheegay in shaqaalaha diyaaradaasi iyo Duuliyayaasha aysan helin nasasho ku filan.

Kadib markii Soomaalidan dib loogu soo celiyey gobalka Florida ayey isla markiiba dacwad u gudbiyeen maxkamada dalka Maraykanka iyagoo ku eedeeyey askarta ICE ee tarxiilayey inay ulla dhaqmeen si bini’aadamnimada ka baxsan.

Askarta ICE ayaa la sheegay inay jirdil u geysteen Soomaalida la tarxiilayey oo gacmaha iyo lugaha laga xiray intii ay diyaarada saarnaayeen. Waxaa sidoo kale loo diiday inay isticmaalaan suuliga ama mushqusha diyaarada oo la sheegay inay buuxsantay intii ay hawada kusii jireen, sida ku cad kiiska dacwada maxkamada hortaal.

Qaar kamid ah Soomaalidan la tarxiilay ee kiiskan gudbiyey ayaa sheegay in xataa loo diiday inay tukadaan ama daawooyinkooda isticmaalaan intii ay diyaarada dulsaarnaayeen.

Garsooraha maxkamada Florida ayaa joojiyey tarxiilka dadkan si kumeel gaar ah, iyadoo hay’ada socdaalka dooneysay inay isla bishaan dadkaasi geyso magaalada Muqdisho.

Hay’ada socdaalka ayaa dhankeeda iska difaacday eedeynta loo soo jeediyey, waxay sidoo kale sheegtay in 92 qof ee la tarxiilay 61 kamid ah danbiyo ka galeen dalka Maraykanka oo ay ku jiraan kuwo dilal geystay iyo waliba dhac.

Qareenada u doodaya dadkan ayaa dhankooda sheegay in qaar badan oo kamid ah dadka la tarxiilay aysan wax danbi ah gelin halka kuwa danbiyada galayna ay u badan yihiin kuwo loo heysto danbiyo yar yar.

Dowlada Maraykanka ayaa sanadkii lasoo dhaafay 2016 iyo sanadkan 2017 dar dar gelisay dadka ay ka tarxiilayso wadankeeda, waxaana horey maxkamada dalkaasi u joojiyeen qaar kamid ah dadka la tarxiili lahaa sida 200 Kirishtaan ah oo kasoo jeeda dalka Ciraaq oo sheegay inay naftooda khatar ku jirto hadii dib loogu celiyo Ciraaq.

Soomaalida la tarxiilay ayaa dhamaantood sheegay inay ka cabsi qabaan xaalada amni ee dalkooda hooyo iyo kooxda Al Shabaab.

W/D: Khalid Yusuf