Maamulka Somaliland Oo Emirate-ka Carabta ku Wargeliyay Joojinta Dhismaha Saldhiga Magaalada Berbera

Sida Saaka lagu soo daabacay Wargeyska Geeska.net ee ka soo baxa magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Wasiirka Arrimaha debadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland,Sacad Cali Shire uu dowladda Imaaraadka ku wargeliyay in ay gebi ahaanba hakiso dhammaan hawlaha dhismaha ee saldhigga.

Wasiir Sacad ayaa sidoo kale Imaaraadka ku wargeliyey in xukuumaddiisu”ay dib u eegis ku samaynayso wixii isfaham ahaa ee saldhigaas ku saabsan“,sida uu Wargeesku sheegay.

Warkan ayaa ku soo beegmaya,xilli dhowaan ay dowladda Imaaraadka Carabtu shirkadda Divers Marine Contracting LLC qandaraas ku siisay mashruuca dhismaha saldhigga oo ku kacaya lacag la sheegay in ay gaarayso $ 90 milyan oo dollar.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka danbaysa codsigan uu maamulka Soomaaliland u kaga dalbaday hakinta dhismaha Saldhiga militari,

Maalmo ka hor ayay ahayd markii kooxaha xuutiyiinta ee ka dagaalama dalka Yemen ay digniin culus u direen Maamulka Soomaaliland in ay faraha kala baxaan hardanka u dhaxeeya Wadamada Carabta,