Ciidamada amaanka ee maamul goboleedka Lamu ee gobolka xeebta ayaa soo saaray digniin ay u jeedinayaan shacabka oo ah inay feejignaan dheeraad ah muujiyaan maadama laga cabsi qabo weeraro argagixiso oo halkasi laga fuliyo.
Sarakiisha ayaa sheegay in maleeshiyada Jaysh Ayman oo lagu eedeyo inay gacan saar la leeyihiin xarakada Al –Shabaab ay suura gal tahay inay qorsheynayaan weerar ay ka geystaan Lamu iyo maamul goboleedyada kale ee u dhow.
Dadweynaha ku nool ismaamulkaasi ayaa laga codsaday inay booliska ku soo wargeliyaan cid kasta oo ay ka shakiyaan.
Gudoomiyaha maamul goboleedka Lamu Gilbert Kitiyo ayaa sheegay inay heleen macluumaad ku aadan weerar la qorsheyanayo sidaas awgeedna ay sii xoojinayaan amniga.
Jaysh Ayman oo xariir la leh Al-shabaab ayaa dhowr jeer hore weeraro ay dad badan ku dileen ka fuliyay Lamu oo ah dhul xeebeed in badana ay si sahlan ugu soo duulaan Jaysh Ayman.











