SAWIRRO: Madaxweyne Farmaajo oo ka qayb galay Shirka Ganacsiga Afrika

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka qeyb galay shirka Ganacsiga Afrika, oo ka dhacay magaalada Sharma Sheikh ee dalka Masar, kaasoo ay ka soo qeyb galeen Madax ka tirsan Qaaradda Afrika.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha ganacsiga ee ka jira qaaradda Afrika, maalgashiga iyo sidii loo xoojin lahaa ganacsiga yar yar ee ka jira Qaaradda.

Shirka oo uu soo qaban qaabiyay Madaxweynaha Masar C/fataax Al-Sisi ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Ganacsato caan ka ah Qaaradda Afrika iyo Caalamka.

Madaxdii ka hadashay shirka ayaa ku dheeraaday kheyraadka ay leedahay Afrika iyo sida lagama maarmaan u tahay in xilligan maalgashi lagu sameeyo.

Sidoo kale Masuuliyiinta dowladda Soomaaliya ee ku sugan Dalka Masar ayaa la kulmay ganacsatada Afrikaanka ah iyo masuuliyiinta wadamada Afrika qaarkood, waxa ay ka wada hadleen iskaashiga dhinaca ganacsiga.

Wasiirka Wasaarada qorsheynta,maalgashiga iyo iskaashiga Caalamiga ah ee  Xukuumada Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo ka mid ahaa wafdiga madaxweynaha ee shirkaasi ka qeybgalay ayaa sheegay in dalka Soomaaliya ay imaan doonaan ganacsato Afrikaan ah si ay maalgashi ugu sameeyaan.