Norway: Labo Nin Oo Soomaali ah oo ku eedaysan Fal Dil ah Oo Maxkamda La Soo Taagay

Shalay Waxaa Magaalada Oslo ee Caasimada Dalka Norway  Maxkamad La soo taagay Labo Nin oo Soomaali ah kuwaas oo ku eedeysan fal danbiyeed dil ah oo ka dhacay Xaafada Torshov ee magaalada Oslo Sanadkii 2008 dii,

Labadan Nin Oo Da’dooda lagu sheegay 35 iyo 33 jir, Waxaan falka dilka ah ku eedaysan Ninka 35 jirka ah. halka mid ka kalana lagu soo eedeeyay  inuu lug ku lahaa falkaas,

Xeer-ilaaaliyayaasha Maxkamada ayaa ragan ku eedeeyay inay Rasaas ku Fureen Sadex Nin Oo Soomaali ah kadib Qilaaf soo kala dhex galay.

Falkan dilka ah kadib ayaa la sheegay in Ninka 35 jirka ah ee dilka geystay uu ka baxsaday Dalka Norway isla mar ahaantaana Mudo kadib laga soo qabtay Wadanka Jarmalka. Halka ninka kalana uu isagu iskiis isugu dhiibay booliska,

Kiiska dacwadan ayaa socon doonta mudo  Sideed maalmood ah waxaana lagu wadan in isbuuca soo socda laga gaaro go’aan,

©Source: NRK