Wiil Somali ah da,diisana lagu sheegay 30 jir ayaa maalinimadkii khamiisti mindi lagu weeraray isaga oo jooga boosteejadda magaaladda Marburg ee waqooyiga magaaladda Frankfurt Am main .
Wiilkan ayaa waxa si ba,an mindidida ugu hanjabay lamaane (nin iyo naag )wada socday kuwaas oo Jaranjarta Bahnhofka kasoo tukhaantukhiyey islamarkaana ugu hanjabay mindi ay siteen iyagoo ku dhawaaqayey erayo ay wiilka Soomaaliga ah ku aflagaadaynayaan.
Dad goob joog ah oo arkaayey tacadiga loo geystay wiilkan Soomaaliga ah ayaa soo faro galiyey iskuna dayey inay caawiyaan dhibanaha, balse islamarkiiba waxa goobta ka baxsaday lamaanaha weerarka kusoo qaaday wiilkan Somaliga ah.
Dhanka kale booliska magaaladaas ayaa sheegay inay raadinayaan 2 badan eedaysane oo da,dooda lagu sheegay, Ninka ayaa da’diisa lagu qiyaasay 38 jir timihiisu cadaan yihiin halka haweeneyda lagu sheegay 33 jir dhererkeedana 1.70 mitir waxaanay xidhnayd jaakad madow iyo surwaal madow ah,
Inkasta oo wiilkan soomaaliga ah oo aysan wax dhaawac soo gaadhin ayaa hadana waxay ahayd mid cabsideeda iyo argagaxeeda leh dhacdadani,