Maxkamadda Sare ee dalka Mareykanka oo Niyad jabisay Soomaali badan iyo Trump oo Sharcigiisii la meel mariyay

Maxkamadda Sare ee dalka Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in sharci uu yahay go’aankii xayiraadda dhinaca socdaalka ee Madaxweyne Donald Trump uu saaray wadamo dhowr ah.

Go’aanka ayaa ku soo beegmaya iyada oo Maxkamadaha hoose ee Gobolada qaarkood ay ka soo horjeesteen amarka xayiraadda ee Madaxweyne Trump, amarkan ayaa saameynaya dalalka ay ka imaanayaan dadka oo ku dhawaad Sideed dal ah.

Dalalkan oo Lix ka mid ah ay yihiin muslimiin ayaa waxa ay kala yihiin Iran, Liibiya, Suuriya, Yemen, Soomaaliya, Waqooyiga Kuuriya, Chad, Venezuela.

Soomaalida ku nool dalka Mareykanka oo doonayay in qoysaskooda ay dib ula midoobaan ayaa sheegay go’aanka Maxkamadda inuu ku noqday mid si daran u niyad jebiyay ayna ka quusteen in qoysaskooda ay markale dib ula midoobaan.

Golaha Xiriirka Muslimiinta Mareykanka ee loo soo gaabiyo (CAIR), ayaa go’aanada Trump ku tilmaamay qeyb ka mid ah ajandayaasha foosha xun ee kooxaha caddaanka ah ee rumeysan in ay ka sarreeyaan dadka intooda kale.