Jilaaga Caanka ahaa ee Shashi Kapoor oo ahaa jilaa iyo soo saare ka tirsanaa Bollywood ayaa ku dhintay hindiya wuxuuna ahaa 79 sano jir.
Shashi Kapoor, oo jilay aflaan badan oo ahaa kuwa heer sare gaaray sida Deewar iyo Kabhie Kabhie, wuxuu xanuunsanaa muddo oo uu ku jiray cisbitaal.
Wuxuu xubin ka ahaa qoysaska Kapoor, kuwaas oo sanado badan aad ugu badnaa jilidda aflaanta Hindiga.
Wuxuu dhowr goor ku guuleystay abaalmarinno Qaran, waxaa sidoo kale dowladda Hindiya ay siiyay abaalmarinta sharfidda shacabka ee Padma Bhushan, sannadkii 2011-kii.
Sidoo kale wuxuu ka qeybgalay jilliinka aflaan British iyo American ah.
Shashi Kapoor wuxuu aflaanta ku soo biiray isagoo aad u yar, wuxuuna jilay illaa 150 filim oo ay ka mid yihiin tobannaan ah aflaanta Britain.
Aflaantiisa qaar waxaa loo turjumay Afsoomaali waxaa daawado dad badan oo Soomaali ah oo taageera jilaagan.
Wuxuu aflaan badan la jilay jilaaga caanka ah Amitabh Bachchan (oo Soomaalida qaar ay u garanayaan Cali Dheere), kaas oo ahaa ragga ugu aflaanta fiican Bollywood Sannadihii 1970-maadkii illaa1980-meeyadii, waxay labada jilaa sameeyeen aflaan ay walaalo wanaagsan yihiin ama saaxiibo aad isugu fiican.
Hadalkiisii ahaa “Mere paas maa hai” (Laakiin waxaan haystaa taageerada hooyo) – xilli ay murmeen Cachchan oo walaalo ay ku jilayeen Deewar, wuxuu noqday middkii ugu sareeyay ee malaayiin qof oo caalamka ku kala sugan ay taageereen.