
Wasiirka Arrimaha Gudaha dalka Yemen ayaa xaqiijiyay in Kooxda Xuutiyiinta ay dileen Madaxweynihii Hore ee dalka Yemen Cali Cabdalla Saalax.
Waxaa uu sheegay in Madaxweynaha lagu dilay Isku dhacyo ka dhacay Magaalada Sanca Maanta.
Maalmihii lasoo dhaafay ayay ku dagaallamayee Magaalada Sanca Cali Cabdalla Saalax iyo Kooxda Xuutiyiinta ah.
Sidoo kale warbaahinta ku hadasha Afka Kooxaha Xuutiyiinta ayaa lagu sheegay in ay xoogaggooda dileen madaxweynihii dalka Yemen Cali Cabdalla Saalax.
Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in sidoo kale la dilay madaxii Amniga madaxweynaha oo lagu magacaabo Hussein Al-Hamidi.
Warkan ayaa soo ifbaxay kaddib markii weerar culus lagu qaaday gurigiisa oo la sheegay in gabi ahaanba la qarxiyay,laakiin waxaa la sheegay in madaxweynuhu xiligaa ka maqnaa guriga Xaalada ayaa wali ah mid cakiran oo waxaa soconaya dagaal xooggan oo ay bar bar socdaan duqeymo lagu garaacayo magaalada Sanca.











