Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay bartamaha magaalada London

Wararka ka imaanaya wadanka Ingiriiska ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay Muwaadin Soomaaliyeed oo muddo sanada ah ku noolaa wadankaasi, Ninkan oo lagu Magacaabi jiray Maxamed Xirsi waxa uu ahaa 40 jir ay u joogeen 5 Caruur ah waxa uuna ka shaqaynayay Hoteel ku yaala bartamaha London.

Dilka Ninkan ayaa la sheegay in ay timid kadib markii si arxan daro ah loola dhacay kursi kaasoo ilaa Madaxa looga garaacay kadibna dhaawac halis ah uu ku yimid taasoo sababtay in Isbitaalka loola cararo balse marki Isbitaalka la geeyay ayuu maalmo yar kadib Geeriyooday.

Booliska Ingiriiska ayaa sheegay in Ninkaas oo dhaawac qaba ay kasoo qaadeen Biyaano ka mid ah meel Kafeeyga lagu cabo, Booliska ayaa intaas ku daray in ruuxii dilka geystay uu ka cararay goobta balse ay dalbanayaan cidii wax cadeyma ah heysa in ay si deg deg ah Booliska ula soo xariiraan.

Xaaska Marxuum Maxamed Xersi oo lagu magacaabo Barliin Cali oo la hadashay wargeyska Standard ee kasoo baxa UK ayaa u sheegtay in Seygeeda uu ahaa Nin Af gaaban oo dadkana ay ka nabad galaan jecelna Caruurtiisa iyo Waalidiintisa waxa ay tiri Baarliin “waxa aan waayay Ruux igu qaali ah oo aan jeclahay waxa aana ku sheegi karaa waa Seygii ugu Fiicnaa Caalamka” sidaas ayay u sheegtay Wargeyska the Standard oo Warbaahinta Goobsan ay kasoo xiganeyso.

Ilaa iyo hadda lama xaqiijin waxa sababta rasmiga ah ee keentay in Ruuxa uu la dhaco Kursi Marxuum Maxamed Xirsi balse dadka qaar ayaa sheegaya in ay Ciyaarayeen Ciyaar lagu madadaalo ee loo yaqaano Snooker Table taasoo keentay in ay murmeen kadibna dagaal dhex maray, waxaana wali socdo baaritaano kala duwan oo ay sameynayaan Ciidamada Amaanka.

Dhacdadan ayaa dhacday maalinimadii Talaadadi lasoo dhaafay balse Marxuumka ayaa Shalay Geeriyooday.