Video: Daawo Miraayad ay isku fiirin karaan kaliya dadka dhoola cadeeya iyo 3000$ oo lagu qiimeeyay

Naqshadeeye u dhashay dalka Turkiga oo lagu magacaabo Birk Elhan ayaa sameeyey muraayad cajiib ah oo muujisa wejiga qofka isticmaalaya  keliya marka uu dhoola cadeeyo.

Wareysi telefishanka CNN uu siiyay  Mr.Elhan ayaa sheegay in muraayadda loo sameeyay si gaar ah si loogu dhajiyo gidaarka ama darbiga ku beegan wajiyada bukaanka kansarka qaba oo inta badan murugo ku jira.

Muraayadda “ Smile Mirror” waxay leedahay kaamirad taasi oo marka keliya ee ay kala baxayso ama la isku arki karo ay tahay marka qofku ilka cadeeyo “Dhoola cadeeyo”, iyadoo uu ku samaysan yahay xusuus haye “ Memory”.

Naqshadeeye, Birk Elhan, ayaa sheegay in fikradda muraayad ay ku dhalatay ka dib markii uu waraysi la yeeshay bukaanka xanuunka kansarka qaba.

Waxaana u yidhi “Bukaanku wuxuu ii sheegay in ay adag tahay in ay isku eegaan muraayada inta lagu jiro maalmaha ugu horreeya ee la aqoonsado  xanuunka haya taasi oo murugo ku abuurta.

Waxaana uu sheegay in muuqaalka wejigeenu uu xiriir iyo saamayn ku leeyahay  waxa ay maskaxdeenu ka fikirayso, taasi oo marka uu ilka cadeeyo maskaxda u muqanaysa inay wax wanaagsani dheceen oo qofkana dejinaysa.

Elhan hadda wuxu ku iibiyaa qiimaha  $ 2000 illaa $ 3,000 waxaana isticmlaa dhamaan isbitaalada bukaanada kansarka qaba daweeya. Iyadoo uu sheegay in qiimahana hoos loo dhigo doono.

Halkan ka daawo muuqaalka