Qaramada midoobay ayaa lagu soo waramayaa inay ka baaraandegayso inay soo saarto cunaqabateyn hor leh oo la xariirta adoonsiga.
Arrintan ayaa timid kadib markii safiirka Faransiiska u matalo jimciyada qurumaha ka dhexeysa Francois Delattre uu golaha amniga ugu baaqay inuu xayiraad ku soo rogo cid kasta oo lagu eedeyay inay ku lug leedahay ka ganacsiga iyo adoonsiga dadka ee la soo tabiyay inuu ka jiro wadanka Liibiya.
Soo jeedinta Francois Delattre ayaa timid kadib markii qeylo dhaan ay ka soo yeertay musaafurinta dadka ee laga fuliyo dalka Liibiya.
Baaritaan uu sameeyay telefishinka CNN ayaa lagu ogaaday in Afrikaanka loo iibiyo adoomo ahaan.
Mr. Delattre ayaa sheegay in Faransiiku uu diyar u yahay inuu caawiyo gudiga qaabilsan cunaqabateynta si loo far muuqo shaqsiyaadka ku howlan ganacsigaasi sharci darada ah
Adoonsiga iyo musaafurinta dadka ayaa sanado badan ka jiray Liibiya.