Uhuru Kenyatta oo maanta markii Labaad loo dhaarinayo xilka Madaxtinimada dalka Kenya

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa maanta markii labaad loo dhaarinayaa qabashada hogaanka dalka kadib markii todobaadkii la soo dhafay maxkamada ugu sareysa ee dalka ay ayiday go’aankii gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC ee ahaa in Mr. Kenyatta uu ku soo baxay doorashadii madaxtinimo ee ku celiska ahayd.

Xaflada lagu dhaarinayo Mr. Kenyatta oo ka dhaceysa fagaaraha Kasarani ee magaaladatani Nairobi ayaa waxaa ka soo qeyb galaya ugu yaraan 100, 000 oo qof oo isugu jiro shacab, siyaasiyiin, dibloomasiyiin iyo qaar ka mid ah hogaamiyaasha wadamada caalamka.

4-tii subaxnimo ee saaka ayaa la furay iridada fagaaraha waxaana goobtaasi ku sii qulqulaya dad tiro badan.

Amaanka fagaraha Kasarani ayaa si weyn loo adkeeyay iyadoo la sameynayo baaritaano lagu xaqiijinayo badqabka shacabka iyo mas’uuliyiinta halkaasi isugu tagaya.

Xoghayaha wasaarada arrimaha gudaha ee dalka Kenya Dr. Karanja Kibicho ayaa sheegay in dastuurka wadanka laga isticmaalo uu dhigayo in madaxweynaha la dhaariyo inta u dhexeysa 10-ka barqanimo ilaa iyo 2-da duhurnimo .

Xoghayaha wasaarada arrimaha dibada ee dalka Kenya Monica Juma ayaa dhankeeda sheegtay in munaasabada maanta ka dhaceyso dalkaasi ay ka soo qeyb galayaan in ka badan 43 wufuud oo isugu jiro ururo matalaya wadamo iyo hay’ado kala duwan .

Madaxda ilaa iyo hada la xaqiijiyay inay ka soo qeyb galayaan xaflada lagu dhaarinayo hogaamiyaha ugu sareeya ee dalkaasi ayaa kala ah ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu , madaxweynaha Ugandha Yoweri Museveni , hogaamiyaha Botswana Ian Khama, Paul Kagame oo ah madaxweynaha Rwanda, dhigiisa Tanzania John Pombe Magufuli ,Edgar Lungu oo ah madaxweynaha Zambia, madaxweynaha Djibouti Ismaïl cumar Geelle , hogaamiyaha Namibia Hage Geingob, Faure Gnassingbé oo ah madaxweynaha Togo, madaxweynaha soomaaliya maxamad Cabdullahi Farmaajo , iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn .