Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo oo booqasho ku jooga dalka Imaaraadka Carabta ayaa maamuus u sameeyay dadka u soo halgamay Imaaraadka Carabta, isagoo ubax dhigay xarunta lagu maamuuso dadka u soo halgamay una dhintay Qaranimada Imaaraadka Carabta ee Karaama.
Sidoo kale Farmaajo ayaa halkaasi dhigay ubax kadib markii uu salaan ka qaatay cutubyo ku sugnaa halkaasi, waxaana xarunta ku soo dhoweeyay oo warbixin siiyay Guddoomiyaha Xafiiska qoysaska dadka u shahiiday Imaaraadka u qaabilsan dhaxal sugaha Abu Dhabi Sheekh Khaliifa Bin Daxnuun.
Xarunta ayaa waxaa yaalla 31 loox oo aad u waaweyn, kuwaasoo ka sameysan macdan oo loogu talogalay in lagu xusuusto dadka Imaaraadka Carabta ee dalkooda wax u qabtay iyo kuwa u shahiiday qaranimada dalkaasi.
Madaxweyne Farmaajo ayaa maamuuskaas kadib wuxuu saxiixay buug sharafeedka goobta yaalla oo dadka booqda ay saxiixaan.












