Madaxweynaha Zimbabwe Robert Mugabe ayaa iska diiday inuu iska casilo xilka Madaxweynaha, kaddib markii xalay uu khudbad si toos uga baxeysay Telefishinka dowladda uu ka jeediyay.
Robert Mugabe ayaa ku adkeystay inuu awoodda uu sii heyn doono dhowr todobaad, waxaana uu ka dhawaajiyay inuu shir guddoomin doono kulanka Golaha Xisbigiisa ee dhici doona bisha December ee soo socota.
Mugabe ayaa wajahaya cadaadis, iyadoo loo qabtay illaa 12-ka duhurnimo ee maanta inuu xilka isaga casilo, kaddib markii shalay xubnaha Xisbiga Zanu-PF ay u codeeyeen in xilka Madaxtinimada Xisbiga laga qaado.
Xubnaha Xisbiga Zanu-PF ayaa ku hanjabay in hadii aanu is casilin Mugabe ay ka keeni doonaan mooshin xil ka qaadis ah.
Sabtidii la soo dhaafay ayay aheyd markii kumanaan ruux ay dibad baxyo ka dhigeen magaalada Harare iyo magaalooyinka kale, iyagoo dalbanayay inuu is casilo Mugabe











