Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa gaaray magaalada Abu Dhabi halkaas oo ay uga bilaabatay booqasho shaqo oo labo maalmood ah.
Madaxweynaha waxaa gegada diyaaradaha kusoo dhaweeyay Wasiirka Caddaaladda ee Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta Mudane Sultan Bin Saciid Al Badi.
Safarkan waxaa Madaxweynaha ku wehliya Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Mudane Cabdulqaadir Axmed Khayr, Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka iyo La-taliyeyaal.
Madaxweynaha ayaa inta uu ku suganyahay Imaaraatka carabta waxa uu kulamo la yeelan doonaa madaxda ugusareysa wadankaas isla markaana waxaa diirada lagu saari doonaa arrimaha Xariirka labada dal oo mudooyinkii dambe u muuqday mid sii liicaya walow Imaaraatku uu u muuqanayo mid galaangal hoose la leh Maamulada ka jira dalka.












