Hogaamiye sare oo doonaya inuu isaga baxo Ururka Al-shabaab

Saraakiil ka tirsan dowladda Kenya ayaa sheegay Hoggaamiyaha Al Shabaab u qaabilsan dalka Kenya Axmed Imaan Ali inuu doonayo ka bixista Ururkaasi.

Wargeyska The Standard ee ka soo baxa dalka Kenya oo soo xiganaya Saraakiil ka tirsan Sirdoonka dalka Kenya, ayaa wuxuu sheegay in hoggaamiyahan Shabaab u qaabilsan Kenya uu ku qanci waayay hoggaanka sare ee Shabaab hanaanka Maamulkiisa.

Sababta keentay isfahan waaga soo kala dhexgalay labada dhinaca ayaa Saraakiisha Sirdoonka Kenya waxa ay ku sheegeen in Axmed Imaan uu ku qanci waayay dilalka loo gaysanaayo dadka Kenyan-ka ee ku jira Ururka Al Shabaab.

Shabaab ayaa bilihii la soo dhaafay toogtay dhawr nin oo ka tirsan iyaga, kadib markii ay ku eedeeyeen inay jaajuusiin u ahaayeen reer Galbeed iyo dowladda Kenya.

Axmed Imaan iyo Saraakiil ka tirsan Al Shabaab ayaa lagu soo waramayaa inuu u socdo wada hadal la doonaayo in dib loogu celiyo dalka Kenya si uu u sii wado hawlgalada ka dhanka ah dowladda Kenya.

Dowladda Kenya ayaa horay lacag abaal marin ah dul dhigtay Madaxa Axmed Iman Ali taasoo la siinayo qofkii sheega meesha uu ku suganyahay ama Wax Macluumaad ah oo sahlaysa in la dilo ama lasoo qabto hogaamiyahaas qatarta badan.