Dhaqdhaqaaq ciidan oo ballaaran ayaa laga dareemaya Magaalada Harare ee Caasimadda dalka Zimbabwi waxaana saadaashu ay sheegeysaa in uu ku saleysanyahay inqilaab xukumada madaxweyne Robert Mugabi ah ka dhan ah.
Robert Mugabi lagasoo bilaabo 1987 ilaamaa haatan, waxaa uu ahaa Madaxweynaha dalkaasi, waxaana intii xilka uu haayay lagu eedeyay in uusan waxbadan ka qaban Caafimaadka, waxbarashadda iyo Horumarinta Kaabayeyaasha dhaqaalaha.
Dadka ku sugan Caasimadda Haraare waxa ay sheegayaan in ay arkayeen gaadiidka ciidanka xoogga oo wadooyinka waaweyn ee caasimada wareegaya, saacado un ka dib markii ay xaley la wareegeen warbaahinta dowlada ee ZBC.
Saansaanta ayaa u muuqata horudhaca Afgembi ay ciidamada dalkaasi la damacsan yahay Madaxweyne Mugabi.
Israsaasayn culus iyo dhawaqa gantaallo ayaa laga maqlay dhanka waqooyi, inkastoo aysan caddayn waxa ay xaaladdu ku sugan tahay.
Ilaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo yeeray madaxweyne Robert Mugabe 93 jir ah.
Safiirka Zimbabwe ee Koonfur Afrika Isaac Moyo wuxuu meesha ka saaray wax afgambi ah, wuxuuna sheegay in ay dawladdu wali shaqaynayso.
Taliyaha ciidammada xoogga ayaa ku eedeeyay “khiyaano qaran” Madaxweynaha Mugabi,islamarkaana uu doonaayo in uu xaaskiisa ku wareejiyo dalka.
Generaal Constantino Chiwenga ayaa khilaafay madaxweyne Mugabe ka dib markii uu xilka ka qaaday madaxweyne ku xigeenkii.
Hasa ahaatee, taliye ku xigeenka ciidanka oo ka hadley warbaahinta dowlada waxaa uu dadweynaha reer Zimbabwi usheegey in ay isdajiyaan, waxaanu uu yiri”wax afgambi ah kama jiro dalka” Jeneraal Sibusiso Moyo, oo ah taliye ku xigeenka ciidanka ayaa sida oo kale shaaciyey in uu Madaxweyna Robert Mugabi nabad qabo.
Waxaa uu sheegay in ay beegsanayaan kuwo dambilayaal ah , oo sabab u ah Khilaafka ka jira dalka.











