Shir looga hadlaayay Arrimaha Federalka Soomaaliya oo ka furmay Adis Ababa

Magaalada Adis Ababa ee Xarunta dalka Itoobiya waxaa ka furmay shir looga hadlayo arrimaha federaalka Soomaaliya waxaana ka qeybgelaya Wasiiro ka tirsan dowlad Goboleedyada dalka ka jira.

Sidoo kale shirkaas waxaa ka qeyb gelaya Wasiirada Dastuurka Wadamada Saaxiibka la ah Soomaaliya sida dalalka Itoobiya iyo Kenya.

Intiisa badan shirkaan ayaa waxaa looga hadli doonaa qodobo ay ka mid yihiin dhismaha Dowladaha Hoose iyo horumarinta Federaalka Soomaaliya.

Shirkaan oo socon doona dhowr maalmood ayaa la filayaa in gaba gabadiisa aga soo saaro waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee looga hadlay.