Haweeney 45 jir oo u dhalatay dalka Jarmalka ayaa isku durtay Irbad ay ku jirto bakteeriyada Bacillus oo la sheegay in cimrigeedu gaadhayo 3.5 Malyun sano taasoo u dhiganta in ay wax Duqoobid aanay dareemeyn ilaa Cimrigeedu uu ka go’o.
Haweeneyda, oo lagu magacaabo “Manoch Munch,” waxay noqotay qofkii u horeeyay ee tijaabadan ogolaata in lagu mudo.
Bakteeriyada “Basilus F” ayaa la sheegay inay noqon karto furaha ugu horreeya ee quruxda daa’imka ah iyo la dagaallanka da’da, iyadoo dadka kala dagaalamaysa in jirkoodu wax calaamad duqoobid ah aan laga helayn oo wax Jactad ah aan ka muuqan doonin.
F-bakteeriyadu waxaa laga helay ciidda qaboobaha ee waqooyi galbeed ee Russia sannadkii 2009. Kadib markii ay baareen DNA-da bakteeriyada koox cilmi baarayaal ahi sanadkii 2015, waxay sheegeen inay leedahay unugyo ka soo horjeeda unugyada caadiga ah, kuwaasi oo ka baajin kara calaamadaha da’da qofka.
Agaasimaha “Department of Geochemistry” oo ka tirsan Jaamacadda Moscow, Dr. Anatoly Brochkov ayaa cadeyay in haddii tijaabadan lagu guulaysto ay noqon doonto mid muhiim ah waayo dadka waxay lacago badani kaga baxaan is qurxiunta iyo la dagaalanka muuqaalka da’da.
Waxa kale oo uu sheegay in muuqaalka jirka Haweeneydan lagu duray Cirbada uu is bedelayo oo noqonayo mid jilicsan sida caruurnimada.