Dowladda Kuuriya Kuufureed oo war kasoo saartay Qaraxii Zoobe

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Kuuriyada Koonfureed ayaa maanta si adag u cambaareeysay qaraxii ugu dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho, Soomaaliya, kaas oo lagu  dilay boqollaal dad ah oo aan waxba galabsan.

Kuuriyadda Koonfureed ayaa ugu yeertay Qaraxaasi “fal argagixiso” oo aan waligeed loo dulqaadan karin.

War saxaafadeed uu soo saaray afhayeenka, wasaarada dibadda ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dhibanayaasha iyo qoysaskooda ay dhibaatadu kasoo gaartay Qaraxii ka dhacay Zoobe 14-kii Bishaan.

Waxa ay ballan-qaadeen in ay si wadajir ah ula shaqeynayaan beesha caalamka si loo xoojiyo howlaha lagula  dagaallamaayo Al-Shabaab.

“Iyadoo ay jirto xaalad adag oo aan si joogta ah u dhaliili karno in aan loo dulqaadan karin fal argagixiseed xaalad kasta, xukuumadeenu waxay sii wadaysaa inay ku biirto xulafada caalamiga ah ee ku salaysan dagaalka ka dhanka ah argagixisanimada,” ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay Kuuriyadda Koonfureed.

Qaraxii loo adeegsaday gaariga xamuulka ahaa ee ka dhacay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho Sabtidii ayaa waxaa ku dhintay in ka abdan  300 qof.