Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday in howlgallo qorsheysan ay ku dishay bilihii lasoo dhaafay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ,kuwaas oo ay horayAbaalmarino lacageed u duldhigtay.
Dowladda Kenya waxa ay sheegtay in dhowr howlgal oo badankood ka dhacay Koonfurta Soomaaliya in lagu dilay raggaasi.
Waxaa ay sheegtay in ciidamada Booliska ee la dagaalanka Argagixisadda ay soo gudbiyeen xogta lagu beegsaday raggaasi.
Sarkaal Sare oo ka tirsan Waaxda la dagaalanka Argagixisadda ee Kenya ayaa sheegay in ay ku guuleysteen lacagihii ay bixiyeen oo ay duldhigeen Saraakiisha Al-Shabaab ee Weerara Dalka Kenya.
Waxa ay sidoo kale waaxda Sirdoonka Kenya ay ku dhawaaqday in sidoo kale ay qorsheynayso in wali lacago badan lagu sii bixiyo raadinta Saraakiisha Al-Shabaab.
Bishii July booliska dalka Kenya ayaa sheegay in lacag dhan Sh2 million oo lacagta Kenya ah ay siin doonaan qofkii soo sheegaa shan nin oo lagu tuhmaayo in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab,kuwaasi oo la sheegay in ay ka danbeeyeen weeraro lagu qaaday magaaladda Lamu ee Dalka Kenya.
Dowladda Kenya ayaa maalmihii dhawaa waxa ay lacago madaxyadooda duldhigaysay rag u dhashay dalkaasi oo la sheegay in ay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab.