Dowladda Maraykanka ayaa ku dhawaaqday in ay cunaqabataytii saarneyd dowladda Suudaan in ay ka qaaday.
War kasoo baxay Xukuumadda Washington ayaa lagu sheegay in dowladda Suudaan ay xalisay dhammaan waxyaabihii lagu eedeeyay, islamarkaana ay lama huraan noqotay in cunaqabateynta Dhaqaalle laga qaado dowladda Suudaan.
Maraykanka ayaa sidoo sheegay Suudaan in ay wax ka qabatay arrimaha la dagaalanka xagjirka.
Dalka Suudaan waxaa saarnaa cunaqabatayn ganacsi iyo xayiraado kaleba.
Geedisocodka Suudaan xayiraada looga qaaday waxaa bilaabay madaxweynihii Barack Obama.
Balse kooxaha xuquuqul insaanka ayaa cambaareeyey tillaabadan Suudaan cunaqabataynta looga qaaday.
Waxaana madaxweyne Al-Bashiir loo haystaa inuu gallay dambi dagaal iyo xasuuq.
Dad badan ayaa fahansan in Xukuumada Al-bashiir ay dhowaan Xariirka u jartay Dowladda Kuuriyada Waqooyi waxaaana loo badinayaa in Xayiraada laga qaaday ay Xariir dhow la leedahay Arrintaas.