Daawo Sawirrada: Madaxweyne Famaajo oo Kormeer ku tegay Warshadda Lacagta Sameysa ee Dalka Sudan

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi ayaa kormeer ku tagay Warshadda lacagta sameysa ee dalka Sudan, iyadoo dowladda Soomaaliya qorsheyneyso inay lacag cusub soo daabacato.

Kormeerka ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehliyay Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Bashiir Ciise iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda oo qeyb ka ah wafdigiisa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa qeyb qeyb u kormeeray warshada lacagta, gaar ahaan keyd ay ku jirto lacag cusub oo dowladda Suudaan ay u daabacday Soomaaliya.

Howsha daabicida lacagtan ayaa soo bilaabatay sanadkii 2011, xilligaasoo ay jirtay dowladdii KMG aheyd, waxaana dhowr jeer hakad ku yimid qorshaha ay dowladda Soomaaliya ku dooneysay inay ku daabacato lacag cusub.

Lacagta xilligan ka jirta Soomaaliya oo ah mid duugowday ayaa ah lacag 1,000 shiling Soomaali ah, mana jirto wax ka yar iyo wax ka weyn lacagtaas ee laga isticmaalo Gobolada Soomaaliya, waxaana ay qarka u saaran tahay in lacagtaas ay suusho, maadaama ay duugowday.

Dhinaca kale Madaxweyne Farmaajo ayaa kormeeray Warshadda Yarmuuk ee soo saarta qalabka ciidamada Sudan.

Wafdiga Madaxweyne Farmaajo oo booqasho labo cisho ku joogay Khartoum ayaa maanta soo gaba gabeynaya, iyagoo dib ugu soo laaban doona magaalada Muqdisho.