Madaxweyne Farmaajo oo gaaray dalka Sudan (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi (Farmaajo) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Khartoum ee dalka Suudaan halkaas oo ay uga bilaabatay booqasho rasmi ah oo labo maalmood qaadaneysa.

Garoonka Diyaaradaha magaalada Khartoum ee dalka Suudaan waxaa ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan dalka Suudaan, Saraakiil Ciidan, Soomaalida ku dhaqan dalkaasi iyo xubno kale.

Safarkan waxaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ku wehliya Marwada koowaad ee dalka iyo Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, Xildhibaanno iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa dalka Suudaan kulamo kula qaadan doona madaxda dalkaasi, iyaga oo ka wada hadli doona iskaashiga labada dalka iyo in si wadajir ah looga shaqeeyo dhinacyada Amniga, Siyaasadda iyo Waxbarashada.

Booqashada Madaxweynaha ayaa la qorsheeyey iney qaadato muddo labo maalin ah, waxaana lagu wadaa in sidoo kale Madaxweyne (Farmaajo) uu la kulmo Soomaalida ku nool Suudaan.