Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta oo Sharaxaad dheeri ah ka bixiyay Sharciga Isgaarsiinta Qaranka

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta ee Xukuumada Soomaaliya Cabdi Canshuur ayaa faah faahino dheeraad ah ka bixiyay Sharciga Isgaarsiinta Qaranka oo uu dhawaan saxiixay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).

Wasiirka ayaa sheegay in sharcigan uu muhiim u yahay dalka islamarkaana wax badan uu ka saacidayo bulshada Soomaaliyeed.

Sidoo kale Cabdi Canshuur Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta ee Xukuumada Soomaaliya waxa uu sheegay in dhaqaalo ahaan Sharcigan uu muhiim u yahay dhaqaalaha dalka.

Waxa uu xusay in lagama maarmaan ay tahay in dadka Soomaaliyeed ay helaan sharci Isgaarsiin oo u soo dhiciya xuquuqda ay ku leeyihiin Shirkadaha gaarka ee ka shaqeeya isgaarsiinta.

Wasiir Canshuur ayaa tilmaamay in sharcigan uu muhiim u yahay dhaqaalaha dalka iyo sidoo kale soo celintii hantidii Isgaarsiinta Qaranka.

“Sharcigan waa sharci muhiim u ah dalka, marka laga fiiriyo xag amni, xag dhaqaale iyo xag bulshaba waa u muhiim, Caalamka waxaan aheyn dalka keliya oo aan laheyn sharci isgaarsiin, shalay waxaan dib ugu soo laabanay caalamka casriga ah.” Ayuu yiri Wasiir Canshuur.

Sharciga Isgaarsiinta ayaa muddo fog hor-yaalay Baarlamaanka, iyadoo marxalado kala duwan soo maray, hase ahaatee Baarlamaanka 10-aad ayaa ku guuleystay inuu meel mariyo sharcigaan.