Ciidamada dhar cadka Kenya oo toogtay 2 Nin oo Soomaali ah

Sida aan wararka ku helayno waxaa magaalada Nairobi ee caasimada dalka kenya lagu dilay 2 Nin oo Soomaali ah Ragaas oo lagu eedeeyay Burcadnimo ayaa waxaa dilay Ciidamada dhar cadka dalka Kenya ee loo yaqaano Fly scott-ka.

Toogashada oo ka dhacday Xaafada Islii 6Str. ayaa waxa ay dhacday abaaro Afartii Saac ee xalay waxaana la Maqlay Rasaas taasoo la ogaaday in lagu dilay labada nin oo la sheegay in ay Gacmaha ka Jeebeysnaayeen waqtiga la tooganayay.

Sida ay Dadka degaanka u xaqiijiyeen Warbaahinta Goobsan Ciidamada Dhar cadka ee dilkan fuliyay ayaa waxaa la sheegay inuu hogaaminayay Sargaal Asalkiisu Soomaali yahay kaas oo lagu magacaabo Cabdirashiid waana Nin ay aad u jecelyihiin Shacabka Soomaalida ee ku dhaqan Xaafada Islii ee Magaalada Nairobi waana Nin aad ula dagaalama Burcadka dhibaatada u geysta Bulshada ku dhaqan Islii.

Labo Habeen kahor ayay ahayd markii Kooxo Burcad ah ay wadada u galeen dad shacab ah ayna ku weerareen Tooreeyo dhaawacna u geysteen ayna ka qaateen Alaabo ay wateen sida Moobeelo.

Ma ahan Markii ugu horeysay oo Rag Soomaali ah lagu dilo xaafada Islii ayadoona sidaan oo kale horay dil loogu geystay Kooxo ku eedeysnaa Burcadnimo kuwaas oo bartamaha Islii lagu toogtay xili ay dad badani daawanayeen.