Ciyaariyahanka u dhashay dalka Ivory Coast ee Emanuel Eboue ayaa lagu soo waramayaa in laga helay Viruska halista ah ee HIV, Ciyaariyahankan 34 jirka ah oo horay ugu soo ciyaaray Kooxaha Arsenal iyo Galatsray ayaa mudooyinkii u dambeeyay ku sugnaa dalka Turkiga kahor inta uusan Sunderland si bilaash ah ugu soo biirin inkastoo uusan wax kulan ah u safan.
Sida ay baahisay Goal Turk Ciyaariyahanka ayaa laga helay dhiigiisa xaalad aan wanaagsanayn taasoo lagu ogaaday baaritaan lagu sameeyay.
Wakiilka Ciyaariyahanka oo lagu magacaabo Tekin Birinci ayaa cadeeyay in ay jirto xaalad aan wanaagsanayn asagoo baraha Bulshada kusoo qoray “Nasiib daro waxaa run ah in aan qabno dhibaato caafimaad oo ku timid Eboue waxa aan si deg deg ah ugu laaban doonaa magaalada London halkaas ayuuna Ciyaariyahanku ku mari doonaa Tijaabo Caafimaad oo dheeri ah waana aan ogaan doonaa Khatarta la sheegayo”.
Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in Eboue la ogaaday kadib markii uu tijaabada Caafimaadka ugu baasay Naadiga reer Turkey ee Turk Ocagi Limasol taasoo uu xagaagan ugu biirayay Qaab Xor ah.
Wakiilka Ciyaariyahanka ayaa beeninaya in wararka Goal aysan sax ahayn waxa uuna ku doodayaa in arrintan ay u baahantahay Cadayn dheeri ah iyo Baaritaan dhameystiran isla markaana waxa uu leeyahay Saxafiyiinta Turkiga way ku qaldanyihiin in ay shaaciyaan Natiijo aan la dhameystirin.
Wakiil Birinci ayaa yiri “waa khalad in la dhaho Eboue ayaa HIV laga helay waayo ilaa iyo hadda ma cadda balse wan cadayn doonaa marki aan geyno dalka England halkaas oo baaritaan dheeri ah uu ku mari doono waxa kale oo aan cadaynayaa Eboue xaaladiisa caafimaad labo maalin kahor waa ay wanaagsaneed Haddii ay sax noqoto xataa ma ahan in ay saas u daabacaan”