Xukuumada Tehran ayaa sameysay Tijaabo guuleysatay taasoo ay ku tijaabisay Gantaal cusub oo ridadiisu ay tahay dhexdhexaad, Tijaabadan ayaa loo malaynayaa in ay jawaab u tahay hadalo hore uga soo yeeray Madaxweynaha dalka Mareekanka Donald Trump.
Gantaalkan la tijaabiyay oo lagu magacaabo Khoramshahr dhirirkiisuna uu gaarayo ilaa 2,000 Km, ayaa waxaa soo bandhigay TV-ga Qaranka ee dalka Iran, Ma cadda waqtiga la sameeyaynay tijaabadan.
Madaxweynaha dalka Mareekanka Trump ayaa maalinimadii Talaadada waxa uu ku dhaleeceeyay Qaramada Midoobay in barnaamijka gantaallada ee Iiraan iyo heshiiskii nukliyeerka ee 2015 dalkaas lala galay.
Hasayeeshee Jimcihii Madaxweynaha Iiiraan, Xasan Ruuxaani, ayaa sheegay in Iiraan ay difaac ahaan u ballaarin doonto awooddeeda milateri.
Gantaalka Khoramshahr ayaa marka hore lagu soo bandhigay dhoolatus milateri oo Jimcihii lagu qabtay magaalada Tehraan. Waxa uuna gantaalkan awoodaa inuu xambaaro bambooyin nooco kala duwan leh, sida lagu sheegay TV-ga qaranka ee Press TV.
Mareykanka ayaa bishii July ku dhawaaqay cunaqabatayn cusub oo uu Iiraan ugu soo rogay barnaamijkeeda gantaallada ridada dheer iyo waxa uu ugu Mareykanku ugu yeeray taageerada ay Iiraan u fidiso ururrada Argagixisada.
Xigasho BBC