Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa Magaalada New York ee dalka Mareykanka kulan gaar ah kula qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Qatar.
Wasiirka arrimaha dibadda dalka Qadar Sheekh Maxamed Bin C/raxmaan ayuu Ra’iisul Wasaare Kheyre kala hadlay Arrimo ay ka mid yihiin Xiriirka ka dhaxeeya Labada dal.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu faaqiday wada shaqeynta labada dowladood.
Kulankaan ayaa kusoo beegmaya Xilli inta badan maamulada dalka ka jira ay xiriirka u jareen dowladda Qatar, islamarkaana ay taageereen Xulufadda Sucuudiga.