Shirka Baarlamaanada IGAD oo lagu soo gabagabeeyay Magaalada Khatruum (Sawirro)

Magaalada Khartuum ee dalka Suudaan ayaa waxaa lagu soo gaba gabeeyay Shirka Baarlamaanada wadamada ku jira Urur Goboleedka IGAD, kaasi oo Saddex maalmood ka socday halkaasi.

Shirkan Somaaliya waxaa uga qeyb galay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalle Cawad iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Waxyaabaha shirkan looga hadlay waxaa ka mid ahaa amniga Wadamada IGAD, Tahriibka Dhalinyarada, Cimilada iyo Saadaasha Hawada Waddamada IGAD iyo Gudniinka fircooniga ah.

Shirkan oo ahaa midkii 9-aad ayaa Gaba gabadiisa waxaa laga soo saaray war-murtiyeed qeexaya qaabka lagu dhimi karo mushkiladaha ka jira wadamada Urur Goboleedka IGAD ee dhaca Bariga Afrika.