Madaxweyne Trump oo qafiifinaya Go’aan uu horay u qaatay

Madaxweynaha Dalka Mareekanka Donald Trump ayaa sheegay in ay wali jirto Rajo ah in ay kasii mid ahaadaan Heshiiska Cimilada ee Paris, sida uu sheegay wasiirkiisa arrimaha dibadda, arrintan ayaa timid saacado ka dib markii Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka uu ku adkaystay in aan wax isbadal ah lagu samaynaynin siyaasadda Maraykanka.

Rex Telerson

Rex Tillerson ayaa sheegay in Maraykanku uu heshiiskaas ka sii mid ahaan doono “haddii la samayn karo shuruudo aan rumaysannahay in ay dhexdhexaad yihiin”.

Hadalka Rex Telerson  ayaa kusoo aadaya Xili Aqalka cad uu goor sii horraysay diiday wararka sheegaya in Maraykanku uu dabcinayo meeshii uu ka taagnaa heshiiskaas.

Bishii Juun ee Sanadkan Trump ayaa ku dhawaaqay in Maraykanku uu ka baxayo heshiiskaas.

Madaxweynaha ayaa sheegay in heshiiskaas uu ka mid yahay “hawlaha uu ka difaacayo Maraykanka” isaga oo ku tilmaamay in dhaqaalaha Maraykanka lagu dabrayo iyada oo arrintaas loogu xaglinayo Shiinaha iyo Hindiya.