Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’isal wasaaraha oo shir uga qayb galaya dalka Shiinaha

Wasiiru Dawlaha Xafiiska Raisul Wasaaraha J.F.S ayaa magaalada Orso ee dalka Shiinaha uga qeybgalay kulan ay isugu yimaadeen madax ka socotay 120 dal  oo looga hadlaayo la dagaalanka nabadguurka dunida.

Kulankaasi oo ah kii 13aad,waxaa kaloo  ka qeybgalay in ka badasn 30-hey’adood ,iyadoo 2-dii sanoba mar Qaramada  Midoobay ay diyaariso kulankaasi.

Kulankaan oo socon doona  mudada u dhaxeysa 6-16-ka bishaan waxaa looga doodi doonaa sida ugu haboon ee wax looga qaban karo nabadguurka ku yimaada dhulka.

Wasiiru Dawlaha Xafiiska Raisul Wasaaraha J.F oo ka hadlay kulankaasi ayaa xaqiijiyay in dhibaatooyinka ka heysta  abaaraha ku soo noqnoqday Soomaaliya ay qeyb ka yihiin dhoofinta dhuxusha oo uu tilmaamay in xilligaan lagu guuleystay joojinta adeegaasi.

Wasiiirku wuxuu qiray in Dowladda  cusub ay u heelan yihiin sidii arrimaha nabaad guurka wax looga qaban lahaa isagoo intaa raaciyay in ay socdaan olole dhir abuuris ah si ayuu yiri loo badbaadiyo nolol dhaqameedka reer miyiga.

Intii uu  socday kulankaasi Wasiirku wuxuu si gaar gaar ah ula kulmay madax ka kala socday Shiinaha, Kanada, Turkey, Ethiopia, Koofur Afrika, Estonia iyo kuwa kale  oo ka socday hayadaha caalamiga.