Gabar da’a yar oo lagu magacaabo Ihuoma Chidinma taasoo kasoo jeeda Gobolka Imo ee Koofur bari Nigeria ayay Booliska gacanta Kusoo dhigeen ayadoo gacanta kula Jirta falalka aadka looga dhibsaday dalka Nigeria ee ah ka ganacsiga Xubnaha Aadanaha isla markaana Markii ay Boolisku soo qabanayeen waxa ay wadatay Madax u muuqday Ruux dhalinyaro ah.
Gabartan oo sheegaty xaafada ay degantahay iyo Magaca Aabaheed ayaa wali wax Faah faahin dheeri ah aan siinin Rag ka tirsan Booliska kuwaas oo wareysi hor dhac ah la yeeshay waxa ayna sheegtay in uu yahay Qofkii labaad oo ay ku lug lahaato.
Waxaa jiri doono Baaritaano dheeri ah oo lagu wadi doono gabartan ayadoona loo gudbiyay Xabsiga wayn ee Imo State.
Hoos ka daawo Muuqaalka