Ninkan Soomaaliga ah ayaa waxa ka mid yahay Burcad ka koobnaa 4 nin oo la soo taagay Maxkamad Heerka 1-aad ee magaalladda Dubai ee dalka Imaaraadka, kuwaasi oo lagu eedeynayo inay geysteen dhac hubeysan.
Eedeysanayaasha ayaa la sheegay inay kala yihiin 2 u dhalatay Imaaraadka, Nin Somali ah iyo mid Yemeni ah, kuwaasi oo la sheegay inay bishii July 3-dii ee sannadkan jabsadeen Guri Villa ah oo ku yaalla Deegaanka Al-gahuud.
Eedeysanayaasha ayaa la sheegay inay dhaceen Sacaado Qaaliga ah, Dahab, Jeegaga Lacagta, Dukumentiyo, Kitaab Qur’aan ah oo lagu qoray Far guri, Qalab-dhaqameed iyo hanta kale oo lagu qiimeeyey 35 million ee Dirham-ka Imaaaraadka.
Qoraal loo gudbiyey Maxkamadda ayaa lagu sheegay inay Eedeysanayaasha isugu sheegeen Waardiyihii Gurigaasi inay yihiin Boolis, ka hor intaysan Waardiyaha qol ku xabisin.
3 ka mid ah Eedeysanayaasha waxay beeniyeen inay ku lug lahaayeen dhacaasi, balse Eedeysanihii 4-aad ayaa Garsooraha u sheegay inay iyaga ku wehliyeen dhacaasi.
Milkiilaha guriga la dhacay oo ah Ganacsade u dhashay Imaaraadka waxa uu ku dooday ay in qalabka laga dhacay ay ku jireen 300 oo Sacaado qaalli ah, oo uu ku qiimeeyey 20 million oo Dirham.
Dhinaca kale, Xeer-beegtida Maxkamadda darajadda 1-aad ee Dubai waxay dib u dhigtay dhegeysiga Dacwadaasi ilaa bisha soo socoto ee October.