Waxaa la filayaa Gollaha Amaanka ee Qaramada Midoobay in ay kulan gaar ah ka yeeshaan Xaalada ay ku suganyihiin Muslimiinta dalka reer Myanmar kuwaas oo xasuuq ba’an kala kulma dadka ay isku wadanka yihiin ee Budhiistaha iyo Militariga dowladda Myanmar oo qayb ka ah Xasuuqa.
Dowladaha Britain iyo Sweden ayaa ka codsaday Golaha Ammaanka ee QM inay Kulan Albaabadda u xiran isugu yimaadaan maalinta berrito, si ay uga hadlaan xaalladda ka sii daraysa ee lagu hayo Muslimiinta ku nool Gobalka Rakhine ee W/galbeed ee dalka Myanmar.
Danjiraha Britain u jooga Xarunta QM ayaa u sheegay Weriyayaasha inuu Kulankaasi noqon doono mid Khaas ah, iyadoo 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ka walaacsan yihiin Qaxootiga Muslimiinta ROHINGYA ee doonaya inay ka cararaan Gobalka Rakhine, si ay u gaaraan dalka Bangaladesh.
Xaalada cakiran ee dadka Muslimiinta reer Myanmar ayaa waxaa ka carooday madaxweynaha dalka Turkiga Ragep Tayep Ordugan kaas oo u sheegay in Qaramada Midoobay ay soo fara galiso xaalada dadkaas ay ku jiraan haddii kale uu adeegsan doono Quwad Militari.